suuqa kala iibsiga ayaa xidhan laakiin kooxaha kala duwan ayaa wali si weyn loola xidhiidhinayaa xiddigaha.
Xiddigo badan ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha kuwaas oo doonaya in ay kooxo cusub ku biiraan suuqa January.
Halkan kaga bogo wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.
Manchester City ayaa dooneysa inay ku iibiso kabtan Kyle Walker, oo 34 jir ah, qiyaastii 15 milyan xagaaga soo aadan. Daafaca dambeedka midig ee England ayaa diirada u saaran kooxda Saudi Arabia ee Al-Ahli (Daily Star).
Manchester City iyo Liverpool ayaa xiiso u muujinaya weeraryahanka Brighton ee Argentine Facundo Buonanotte, oo 19 jir ah, kaasoo amaah ku jooga Leicester City (Fichajes).
Bournemouth ayaa dalban doonta “lacag weyn” haddii ay doonayaan inay ka fikiraan iibinta daafaca dambeedka midig ee Hungary Milos Kerkez, 20, kaasoo xiiso ka helaya Liverpool, Arsenal iyo Manchester United (Football Insider).
Liverpool ayaa bartilmaameed ka dhigtay daafaca Borussia Dortmund iyo xulka Germany ee Nico Schlotterbeck, oo 24 jir ah, si ay badal uga dhigaan Virgil van Dijk hadii uu xiddiga reer Holland ka tago kooxda xagaaga soo socda (Caught Offside).
Manchester United ayaa laga yaabaa inay dib ula soo saxiixato daafaca bidix Alvaro Fernandez, 21, kaasoo kaliya heshiis joogto ah ugu biiray Benfica xagaagii, waxaana isha ku haya Liverpool iyo Real Madrid (Teamtalk).
Arsenal ayaa la siiyay dhiirigelin haddii ay doonayaan inay gacanta ku dhigaan weeraryahanka Bournemouth Antoine Semenyo, oo 24 jir ah, ka dib markii uu sheegay inuu taageere u yahay Gunners oo uu doonayo inuu ciyaaro kubada Champions League (Football 365).
Barcelona ayaa wadahadalo heshiis kordhin ah la furtay daafaceeda Ronald Araujo oo 25 jir ah Kaas oo bartilmaameed u ah Manchester United iyo Chelsea iyo khadka dhexe ee Frenkie de Jong oo 27 jir ah kaas oo sidoo kale ay dooneyso Red Devils (90min).
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee France Paul Pogba, oo 31 jir ah, ayaa u muuqda mid aan mar kale u ciyaari doonin Juventus marka uu dhamaado ganaaxii daawada daroogada ee bishii March ka dib markii agaasime kooxeed uu sheegay in kooxdu ka maarantay (ESPN).
Manchester United ayaa isku diyaarinaysa in ay Alphonso Davies Bixiso mushaharkiisa si ay uga dhigaan xiddigooda cusub iyaga oo kula tartamaya saxiixa xiddiga kooxda Real Madrid (Todofichaje).
Barcelona ayaa badalka Robert Lewandowski u aqoonsatay 20 jirka weerarka uga ciyaara kooxda Red Bull Salzburg ee Karim Konate (Fichajes).
Liverpool ayaa isku diyaarinaysa ka tagista daafaca midig ee Trent Alexander-Arnold oo ku biiraya Real Madrid waxayna diyaar u tahay inay dalab 50 milyan ah ka gudbiso saxiixa xiddiga kooxda Barcelona ee Jules Kounde (El Nacional).
Juventus ayaa laga yaabaa inay ku iibiso weeraryahan Dusan Vlahovic wax ka yar €60m haddii uu ku guuldareysto inuu saxiixo qandaraas cusub ka hor xagaaga soo aadan, iyadoo Arsenal ay rajeyneyso inay ka faa’ideysato (Caughtoffside).