Muqdisho (Adduun) – Sooyaalka codbixinta waa mid fog, oo la bilowdey ilbaxnimooyinkii bini’aadanka kuwoodii ugu horreeyay, waxey taariikhyahannadu sheegaan in bulshooyin hore adeegsan jireen hababka bilowga ah sida gacantaagga iyo hadalka markey u baahdaan kala xulashada go’aamo lagu kala aragti duwanyahay.
Hase ahaatee waxaa laga diiwaangaliyey ilbaxnimadii Giriigga nidaamkii ugu horreeyay ee codbixin oo ka qeybqaateen dad aad u badan, la adeegsadeyna wax ka baxsan gacantaagga iyo hadalka. Giriiggii hore oo lagu tiriyo bulshadii ugu horreysey ee dimuqraadi noqota, waxey ku codeyn jireen gabal dhooba eh oo lagu dul qorey musharraxa ay u codeynayaan.
Laakiin doorashadoodu waxey u ekeyd xilka qaadista baarlamaanada casrigaan xilka uga xayuubiyaan masuuliyiinta; bulshadii Giriiggu ma dooran jirin masuuliyiinta ee waxey u codeyn jireen masuuliyiinta iney xilka sii joogaan iyo in kale, masuulkii helaana 6,000 cod iyo wixii ka badan oo xil-ka-qaadis ah, wuxuu waayijirey xilka, waxaana loogu darijirey musaafurin.
Tan ilaa iyo Giriiggii waxaa isbaddello waa weyn ku dhacay hababkii coddeynta, xitaa wxaa isbaddeley qalabkii lugu codeynayey, wuxuu ka yimi cad dhoobo eh, wuxuu soomaray banooni yar oo midab leh, maanta wuxuu yahay warqad, halka doorashooyinka qaarna lugu codeeyo fariimo danabeysan.
Dunida waxaa maanta ka jira nidaamyo codadbixin oo kala geddisan oo isugu jira kuwo fudud iyo kuwo murugsan, oo dalalkuna ku kala xulasho duwanyihiin, se aalaaba dalalku waxey doorbidaan nidaamyada kafaalaqaadi kara caddaaladda ay ku taammayaan, inkastoo jiraan dalal doorbida nidaamyada tashiila dhaqaalaha iyo kuwa qabashadoodu fududdahay.
Bilowga hore waxaan qormadaan ku lafaguri doonaa nidaamyada codbixineed ee dunida ka jira kuwooda ugu doorka roon, ka dibna waxaan ka faaloon doonaa hanaanka doorasho ee ku habboon dalkeena, iyadoo afeef ka dhiganeyna inuusan jirin nidaam boqolle ah oo ka fayow ceeb iyo cillad oo dhan.
Nidaamka 1aad: Horreeyaa Guuleysta (First Past the Post/ Plurality):
Nidaamkani waxaa lugu tiriyaa nidaamka codbixin ee ugu fudud ee la adeegsado, waxaana lugu kala adkaadaa kaliya cod dheerida, muhimna maaha musharraxa inuu helo aqlabiyadda codadka bulshada (50%+1).
Habkani sida magaciisa ka muuqato waa sida tartamada ciyaaraha, guushu waxay wada raacdaa [koobka] musharraxa kaalinta koobaad gala, halka kaalmaha kale ay wax la’aan baxaan.
Daldaloolada uu nidaamkani leeyahay waxaa ka mid eh, inuu miraha guusha wada siiyo cidda ugu codka badan, isagoo ka soo qaadey tartamayaasha kale codadkoodu eber, oo waxba ka siineyn guusha.
Waxaaba dhacda xisbiga iyo musharraxa guuleysta in uusan haysan aqlabiyad codadka, sida ka dhacdo Ingiriiska, laga soo bilaabo 1945 ilaa doorashadii 2024 xisbiga ku guuleysta doorashooyinka barlamaanka Ingiriiska marnaba ma aheyn xisbiga haystey aqlabiyadda codadka shacabka oo dhan.
Waxaa kale uu nidaamkani dulmiyaa murashaxiinta yaryarka; wuxuu codbixiyaashu ku dhiirigaliyaa inay doortaan musharrax soobixistiisu sarreyso oo kaliya, maadaama hal qof guuleysanaayo codbixiyaashu waxey ujanjeersamaan musharrixiinta caanka ah oo ay u badinayaan inay guuleystaan, halkay u arkaan codeynta musharrixiinta yaryarka arrin khasaaro ah.
Nidaamkani wuxuu ka hanaqaadey Ingiriiska iyo dalalkii ku hoosjirey boqortooyadiisa sida Mareykanka, Kanada, Hindiya, Neyjeeriya, Kenya iyo dalal kale; tiro ilaa 44 dal ayaa maanta adeegsata nidaamkaan.
2: Codeynta Dooqeysan (Preferential Voting/ Instant-Run off Voting):
Nidaamkani waxey codbixiyaashu lanbareeyaan musharrixiinta kolba sidey u doorbidayaan, waxaa lagu hor qoraa musharraxa dooq koobaad ah lanbar 1, mushurrax dooqa labaad ahna waxaa lugu hor qoraa lanbar 2, ilaa laga gaaraayo musharraxa ugu danbeeyo. Waxaana guuleyta musharraxa hela aqlabiyadda dooqa koobaad ee bulshada (50%+1).
Haddii musharrax heli waayo aqlabiyadda codka koobaad ee bulshada, waxaa hoos lagaa soo furfuraa musharrixiinta heley codadka ugu yar, waxaana codadkooda loo qeybiyaa musharrixiinta lagu qorey kaalinta labaad, kolba sida loo qeybinayo codadkaas, waxaa soo baxa musharrax dhaafa 50%+1; guushuna sidaas bey ku raacdaa.
Nidaamkani wuxuu ku habboonyahay bulshooyinka heerkooda waxbarashadu sarreyso, waxaana aalaaba loo adeegsadaa doorashooyinka ururada ardayda iyo doorashooyinka hay’aduhu qabsadaan, waana dhif in loo adeegsado doorashooyinka dadweynaha.
Ceebaha uu nidaamkani leeyahay ayaa ah suuragalnimada inuu guuleysto musharrax aan heysan codadka ugu badan ee kaalinta koobaad, taasoo ah caddaalad-darro dadban.
3: Codeynta Wareegyada Badan (Voting Multiple Rounds):
Nidaamkaan wuxuu dhinac uga eg yahay nidaamkii Horreeya Guuleysta, se wuxuu leeyahay wareegyo badan, aalaaba wuxuu ka koobanyahay laba wareeg; waxaa la qabtaa wareega koobaad ee codeynta oo hadduu mursharrax heli waayo aqlabiyadd codadka dadweynaha (50%+1) waxaa loo gudbaa wareega labaad, waxaan wareeegaasi u soo gudba musharrixiinta ugu sareeyay wareegii koobaad, codeynta labaad ayaa la qabtaa, waxaana guuleysta musharraxa hela aqlabiyadda codadka dadweynaha.
Se haddii dhici weydo waxaa loo gudbaa wareeg ugu danbeeya, waxaan ku tartama labada musharrax ee ugu codka badnaa wareegii labaad, waxaana guuleysta kooda cod bata (dabcan midkood ayaa heli doona aqlabiyadda codadka).
Nidaamkani waxaa adeegsada dalal badan oo ay ka mid yihiin Faransiiska iyo Iiraan. Hase ahaatee kama marno cillad, wuxuu suuragaliyaa iney guuleystaan musharraxiin wareega koobaad ku jirin kaalinta koobaad, taasoo dad badani u arkaan iney tahay caddaalad darro.
4: Nidaamka Metelaadda Isku-dheelitiran (Proportional Representation):
Nidaamkani waa kan ugu adeegsiga badan dunida, aalaaba waxaa loo adeegsadaa doorashooyinka kuraasta xildhibaanada, waxaana adeegsada in kabadan 100 dal gaar ahaan u adeegsada doorashooyinka barlamaanada, waxaa ugu cadcad waddamadaas: Isbeyn, Jarmal, Turki, Talyaani, Noorway, Baraasiil, Arjentiin, Biiru, Indunuusiya, Koonfur Afrika iyo dalal kale oo badan.
Nidaamkani wuxuu uga geddsinyahay nidaamyada kale wuxuu hoos u dhigaa codadka khasaari kara, oo cod walba wuxuu uyeelaa matalaad; xisbi kasta wuxuu siiyaa kuraas u dhiganta boqolleyda uu ka heley codadka. Tusaale xisbigii hela 10% codadka dadweynaha wuxuu badalkeeda helaa 10% kuraasta barlamaanka.
Nidaamkaan wuxuu gabi ahaanba lid ku yahay nidaamka Horreeya Guuleysta ee ku dhisnaay ninkii raayaa reerka u haraaya, ee wuxuu gabbaad siiyaa xisbiyada yaryarka.
Hase ahaatee kama dhigna inuu ceeb-ka-saliin yahay, wuxuu nidaamkani abuuraa barlamaano iyo xukuumado xisbiyo kala duwan ku bahoobaan (coaliation government) taasoo marar badan horseeda jahwareer siyaasadeed. Waxaana ka farcama noocyo badan, waxaana ugu caansan:
- Nidaamka Liiska Xisbiyada Furan ama Xiran (Open and Closed List Systems):
Nidaamkani wuxuu u kala baxaa Liiska Furan iyo Liiska Xiran; waxeyna ku kala geddisanyihiin marna codbixiyaashu baa u codeeya musharrixiin la yaqaano oo xisbi ka socda waana nidaamka Liiska Furan, marna bulshadu khiyaar u ma leh iney doortaan qof ee baddelka waxey u codeeyaan xisibiyo u gubdistey liisaska musharrixiinta guddiga doorashooyinka, waana nidaamka Liiska Xiran.
Labada nidaamba waxey xisibiyadu helaan kuraas u dhiganta boqolleyda codadka ay heleen, tusaale hadday deegaan-doorashada Beledweyn taalo 10 kursi ee u tartamaan xisbiyada seddex xisbi oo kala eh Barwaaqo, Wadajir iyo Kaah; hadduu Barwaaqo helo 30% codadka, Wadajir 50% halka Kaah 20%.
Haddaba waxey u kala qaadanayaan qaab u dhiganta saamiga codadka ay heleen, wadajir wuxuu qaadan doonaa 5 kursi; mar waa la yaqaanaa musharrixiinta guuleystey oo haddii nidaamku yahay Liiska Furan, marna lama yaqaano oo guddiga doorashada ayaa u magacaabi doono 5 qof ee ugu sarreyso qoraal ahaan liiska uu xisibga Wadajir soo gudbiyey, waana nidaamka Liiska Xiran.
Isla tusaalahaan haddaan ka dhigno kuraasta 11 kursi, waxaa nagu adkaanaya in si caadi ugu qeybinno kuraasta, waxaana soo baxaya xisaab jajab eh. Haddaba waxaa xusid mudan, qeybinta kuraasta si ay u galin xisaab jajab eh waxaa la adeegsadaa qaacidooyin gaar ah oo marnaba suuragalineyn iney kuraasto noqdaan jajab, waxaana ugu caansan qaacidooyinkaas: D’hondt method iyo The Sainte-Laguë method [4].
- Nidaamka Codadka Gudba (Single Transferable Vote):
Nidaamkani wuxuu dhinac uga egyahay nidaamka Codeynta Dooqeysan, oo waxey codbixiyaashu lanbareeyaan musharrixiinta, hase ahaatee wuxuu uga duwanyahay musharrixiintu waxey leeyihiin saqaf la rabo iney gaaraan (target point); waxaana guuleysta musharrixiinta soogaara saqafkaas, hase ahaatee markey soogaaraan saqafka wixii cod ee dheeri ay helaan waxaa loo xawilaa musharrixiinta lugu qorey kaalinta labaad.
Tusaale, hadduu yahay saqafka doorashada degmada Boosaaso 20,000 cod, kuraasta taalana tahey 13 kursi, waxaa soobixi kara musharraxii gaara 20,000, codadka dheeriga ahna (ka badan 20,000) waxaa loo xawili doonaa musharrixiinta lugu qorey booska labaad, sidaasna waxaa ku soo bixi kara musharraxiin bilowga hore saqafka gaarin laakin codbixiyaal badan dookha labaad u ahaa.
5: Nidaamka Codeynta Condorcet (Condorcet Voting System):
Nidaamka kan waxaa hindisay oo loogu magacdarey fiilasoofarkii Faransiiska ee Condorcet, waa nidaam murugsan oo aalaaba adeegsigiisu yaryahay, nidaamka kan waxey codbixiyaashu isbarbardhigaan musharrixiinta mid-mid, oo midkey doortaana wuxuu helaa dhibco, waxaana guuleysta musharraxa ugu dhibco bata.
Tusaale haddey isa soo sharraxaan A, B & C , codbixiyuhu wuxuu mid-mid isbarbardhigi doonaa oo u codeynayaa musharrixiinta saddexda eh: kow wuxuu u codeynayaa A & B midkood, laba wuxuu u codeynaa A & C midkood, saddex wuxuu u codeynaa B & C midkood, mid walbana wuxuu heli doonaa dhibico u dhigma inta jeer ee loo codeeyay.
Nidaamka kan wuxuu ku dhisanyahay caddaalad, hase ahaatee kama marna cillado, koow: nidaamkani waxaa adag fulintiisa xaaladaha qaar, tusaale haddii musharrixiintu bataan waxaa codbixiyaasha ku adkaanaya codeynta; laba: nidaamkani wuxuu suuragalinyaa xaalad ay musharrixiinta qaar codadkooda isla ekaadaan, waxaana loogu yeeree Condorcet paradox, taaso ah ceeb aad u weyn.
Nidaamyada codbixinta waa ka badanyihiin shantaas nidaam, hase ahaatee afarta hore ayaa loogu adeegsiga badanyahay maanta, mana rabno inaan waqti badan galin nidaamyo adeegsigoodu koobanyahay.
Nidaamka ku habboon Soomaaliya
Haddaan dib u soo milicsano sooyaalka doorashooyinka Soomaaliya, waxaa markii ugu horreeyey doorasha lagu qabtey Koonfurta Soomaaliya sanadkii 1954 waxeyna ahayd doorashada dowladaha hoose, nidaamka la adeegsadeyna wuxuu ahaa nidaamka Metelaadda Isku-dheelitiran gaar ahaan Liiska Xiran ee ku saleysan degmooyinka badan, isla nidaamkaas baa lugu qabtay doorashooyinkii guud ee 1956 iyo 1959. Xorriyaddii kadibna waxaa sii hanaqaadey isla nidaamkii oo lagu qabtey doorashooyinkii 1964tii iyo 1969kii.
Kadib kacaannkii kaligiitaliska ahaa iyo muddo dowlad la’aan la’ahaa, waxey Soomaalidu ugu danbeyntii ku hishiiyeen sanadkii 2000 nidaam doorasho oo dadban oo ku dhisan nidaamka wareegyada badan kaasoo lagu soo doorto xubnaha labada aqal ee barlamaanka, guddoonka labada aqal iyo madaxweynaha. Hase ahaatee tan ilaa 2017 waxaa daarnaa dood adag oo ku saabsan nidaamka doorasha uu dalka u guuri doono.
Sanadkii 2019kii waxey ansixisay xukuumaaddii Xasan Cali Kheyre xeer doorashooyin oo ku dhisan nidaamka matelaadda isu-dheellitiran ee Liiska Xiran, inkastoo Golaha Wadatashiga Qaranka uu hore u soo ansixiyey xeerkaas sanadkii 2018dii haddana ma hanaqaadin.
Sanad ka dib (sanadkii 2020kii) wuxuu barlamaanku iyo madaxweyne Farmaajo wada ansixiyeen xeer doorasho oo ku dhisan nidaamka Horreeyaa Guuleysta, hase ahaatee wuxuu dhaliyey buuq siyaasadeed waxaana ugu danbeyntii laysku raacey in lugu laabto doorashadii dadbaneyd.
Dhanka kale, Xukuumadda Xasan Sheekh Maxmuud ee hadda dalka ka talisa waxey jujuub ku wadaa xeer doorasho oo saldhig looga dhigey nidaamka Metelaadda Isku-dheelitiran gaar ahaan Liiska Xiran kuna saleysan hal deegaan doorasho.
Guud ahaan doorashada cod-iyo-qof noocey ahaataba waxey warwar ku haysaa qaybo ka mid bulshada Soomaalida gaar ahaan, reeraha tiro ahaan yar ama ku filiqsan deegaano ballaaran, sababtuna waxey u arkaan qoondada kuraasta ay hadda haystaan iney waayi karaan.
Waxey ahaataba, waxaa shaki ku jirin in hanaanka doorashada ee hadda jira ee dadban kuna dhisan 5 beel (4.5) uusan ahaan doonin nidaam waara, maalin uun noqon doona mid laga guurey.
Haddaba nidaamkee ku habboon doorashada Soomaalia? Soomaaliya waxaa ku habsan nidaam doorasho oo dammaanad qaadaya matalaadda beelaha laga tirada badanyahay, isla jeerkaasna qarash yar, sidoo kalana farsama ahaan fudud.
Shuruuddaas koobani haddaan ku qiimeyno nidaamyadii kor ku soo xusnay, waxaa inoo soobaxaya in nidaamyada Codeynta Dooqeysan, Wareegyada badan iyo Condorcet saddexduba farsamo ahaan adagyihiin, sidoo kalana tixgalin xoogan siineyn musharrixiinta matalaya bulshada laga tirada badanyahay.
Docda kale, nidaamka Horreeyaa Guuleysta waa nidaam fudud laakin wuxuu si bareer eh u dafiraa matalaadd bulshada laga tirada badan yahay. Halka nidaamka codadka gudba uu tixgalin u haayo musharrixiinta ka socda beelaha yaryar, maadaama uu codadka saqaf u yeelo wixii ka battanna saqafkaasi siiyo musharrixiinta dookha labaad ah, taasoo fursad u eh musharrixiinta bulshada laga tirada badanyahay, hase ahaatee waa nidaam adag farsamo ahaan.
Haddaba dulucdu qormadani waxey ku soo biyoshubmee nidaamka Metelaadda Isku-dheelitiran gaar ahaan nooca Liiska Furan ayaa ku habboon doorashada barlamaanka Soomaaliya, sababtuna waa nidaam si buuxda u tixgalinaya codadka musharrixiinta laga tirada badanyahay isla jeerkaasna farsamo ahaan fudud, sidoo kale u ma baahno wareegyo badan oo codbixin ah; wuxuuna uga fiican yahay nidaamka Liiska Xiran in codbixiyaashu garanayaan cidda ay u codeynayaan taasoo xoojineysa isla-xisaabtanka iyo matalaadd bulshada.
Nidaamka Liiska Furan waxaa adeegsado waddamo ay ka mid yihiin Indunuusiya, Baraasiil, Biiruu, Biljam, Deenmaark, Giriig, Fiji iyo Sirilaanka. Waxey waddamadu ku kala geddsinyihiin tafaasiisha hoose.
Dr. Afyare Cilmi oo horraantii sanadkaan ku qorey mareegta BBC laanta Af Soomaaliga qormo uu uga faalooynayo nidaamka doorasho ee munaasabka ku ah Soomaaliya ayaa qorey: “Anigu waxaan marar badan ku dooday, welina aan rumeysanahay in nidaamka doorashooyinka ee dalka ku habboon uu yahay nidaamkii aan lahayn 1954-1969 ee ahaa Liiska Xiran ee Metelaadda Isku-dheelli-tiran oo ku salaysan degmooyin badan.”
Wuxuu Afyare marar badan xusey in nidaamka Liiska Xiran ku habboonyahay Soomaaliya, isagoo cuksanaya qodobo ay ka mid yihiin inuu yahay nidaam fudud oo dhowri kara qoondada dumarka iyo qoondada barakacayaasha, iyo qodob kale, hase ahaatee wuxuu moogan yahay in nidaamkani gabi ahaanba wiiqo matalaadda shacabka maadaama bulshadu si toos eh u dooran musharrixiinta ey baddalka doortaan xisbiyo; musharrixiintu waxey isku hawlaan habka ay ugu sare mari lahaayeen liiska xisbiyadooda baddalka ay isku howli lahaayeen iney kasbadaan deegaan doorashadooda.
Guud ahaan, nidaamka Metelaadda Isku-dheelitiran wuxuu ku toolmoonyahay doorashada kuraasta xildhibaanada iyo golayaasha deegaanka oo kaliya, wuxuuna ku habboonyahay dalalka barlamaaniga uu barlamaanku iska sii dhex xusho ra’iisul wasaaraha, laakin Soomaaliya waa dal qaatay nidaamka isku-dhafka eh ee madaxweyne iyo ra’iisul wasaaraha iska garab shaqeeyaan, walina lama go’aamin cidda dooraneysa madaxweyaha haddii loo gudbo doorasho qof-iyo-cod.
Aragti ahaan waxaa ila toolmoon in shacabku si toos eh u doorataan madaxweynaha, gabi ahaanba la laalo nidaamka hadda ee laaluushka ku dhisan ee xildhibaanadu doortaan madaxweynaha; waxaa ila quman in madaxweynaha lagu doorto nidaam fudud oo dadweynuhu codeynayaan una baahney wareegyo badan oo codbixin ah sidoo kale daaqadda ka saaraya wada lahaanshiyaha xukunka (xisbiyo kala geddisan xukunka wada lahaanayaan) taasoo waddamo badan u horseeday jahwareer siyaasadeed, sidaaada awgeed waxaa quman in madaxweynaha ku dooranno nidaamka Horreeyaa Guuleysta.
Gunaanad, doorashada qof-iyo-cod ee la rabo in loo wareego waa doorasho is dul barkan yihiin howlo badan, sida go’aaminta xisbiyada tartamaya, qaybinta kuraasta deegaan doorashooyinka, qoondada dumarka, tirada ugu yar (threshold system) ee xisbiyada laga rabo iney gaaraan si kuraas u helaan, iyo kuwa kale; mana fududa sida siyaasiinta muxaafidku ugu ololeeyaan.
Hadal iyo dhamaantii, waxaa dalkeena munaasib ku ah laba nidaam doorasho, midi wuxuu ku toolmoonyahay doorashooyinka barlamaanka waa nidaamka Metelaadda Isku-dheelitiran gaar ahaan nooca Liiska Furan, kan kalena waa nidaamka Horreeyaa Guuleysta wuxuuna ku habboonyahay doorashada madaxweynaha.
W/Q: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Ookiyaale).