Connect with us

Xogta

Farmaajo oo kashifay qorshe sababay ‘fashilka shirka golaha wadatashiga’


Muqdisho (Adduun) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa war ka soo saaray shirka golaha wadatashiga qaranka, wuxuuna sheegay inuu fashilmay, isagoo arrintaan ku tilmaamay fashil siyaasadeed oo heysta dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu qorshe halis ah oo xukunka inuu ku sii joogo uu damacsan yahay.

Qoraal galabta ka soo baxay Xafiiska R/Wasaare Xamsa ayaa lagu sheegay in shirkaas uu hakad galay, isla markaana uu dib u furmi doono 26-ka bishaan, waxaa xusid mudan in Axmed Madoobe horay uga baxay shirka, halka Saciid Deni inuu yimaado iska daaye uu mar hore xiriirka u jaray dowladda federaalka.

Hoos ka akhriso qoraalka Farmaajo:

Shirkii uga socday Muqdisho hoggaanka dalka iyo qaar ka mid ah madaxda Dowlad-goboleedyada, Labadii Todabaad ee la soo dhaafay, in uu ku soo dhammaaday fashil iyo natiijo la’aan waa mid niyad jab Iyo kala qaybin u horseedaysa shacabka Soomaaliyeed, jahwareer iyo hubinti la’aan siyaasadeedna ka abuuraysa dalka.

Dowlad-gobeeldayada laga hortaagan yahay in ay qabsadaan doorashada iyadoo la dhaafay wakhtigoodii dastuuriga ahaa, laalidda dastuurka heshiiska lagu yahay, iyo damaca Madaxweynaha ee sii joogista xukunka sifo aan waafaqsanayn sharciga waxa ay caqabad ku noqonayaan dowladnimada, wadajirka iyo midnimada Soomaaliya.

Markale waxaan adkeynaynaa baaqyadii aan horey ugu soo jeedinay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo maamulkiisa ee ku saabsanaa in uu ku soo laabto xeyndaabka sharciga iyo dowladnimada, gutona waajibaadka qaran ee kaga aaddan hirgelinta hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay, lagagana gudbo marxaladaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee ay maanta la tacaalayaan shacabka Soomaaliyeed.

Natiijo la’aanta Madasha Qaranka oo Madaxdii Dowlad-goboleedyada sii kala qaybisay waxa ay ifafaalo aan wanaagsanayn ka bixinaysaa mustaqbalka siyaasadeed iyo dowladnimo ee dalkeenna, sidaas awgeed waxaan ugu baaqaynaa Xildhibaannada heer Federaal in ay u istaagaan samata-bixinta dalka iyo badbaadinta dowladnimadeenna.

Ugu danbeyntii, hirgelinta doorashooyinka qaranka, yagleelidda Guddiyada ka shaqeynaya iyo dhammeystirka dib u eegista dastuurka waa masuuliyad wadareed u wada taalla shacabka, dowladda iyo hormuudka siyaasadda Soomaaliyeed, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, sidaas awgeed cid gaar ah laga aqbali maayo in ay ku jaan-gooyso danaheeda gaarka ah.


Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in Xogta