Connect with us

Xogta

Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka wada hadlay fulinta heshiiskii Ankara


5 hours ago

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar oo ku sugan magaalada Adis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa kulan la qaatay Wasiiru dowladaha arrimaha dibadda dalkaasi, Misganu Arga.

Masuuliyiinta oo daba socda go’aamadii kasoo baxay heshiiskii Ankara ku gaareen labada dal ayaa ka wada hadlay sidii loosii xoojin lahaa, sida ay sheegtay wakaalada wararka Itoobiya (ENA).

Misganu Arga, Wasiiru dowladaha arrimaha dibadda Itoobiya ayaa xusay inay muhiim tahay in la xoojiyo xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, si loo helo nabadda geeska Afrika.

Dhanka kale, waxaa iyaguna kulan wada qaatay Taliyaha Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya, Cabdullaahi Sanbaloole iyo dhigiisa Madaxa Sirdoonka Itoobiya, Ridwaan Xuseen, waxayna taabagelin lahaa heshiiska.

Horseed Media

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in Xogta