Connect with us

Xogta

DFS oo warsaxaafeed kasoo saartay wadahadaladii Adis-ababa


1 hour ago

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa war saxaafeed kasoo saartay wadahadaladii ay yeesheen Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Cali Balcad iyo dhigiisa Itoobiya, Amb. Mesganu Arega.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay labada masuul ka wada hadleen hirgelinta heshiiskii labada dal ku dhex maray magaalada Ankara oo ay garwadeen ka ahayd dowladda Turkiga.

Sidoo kale, DFS ayaa sheegtay inuu wasiiru dowle Cali Balcad kala hadlay wasiiru dowle Mesganu Arega, faragelinta ciidamada Itoobiya ee magaalada Doollow ee gobolka Gedo, dhigiisana uu muujiyey u diyaar ahaanshaha dowladda Itoobiya ee ku aaddan in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo arrintaasi.

Dhanka kale, War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa guud ahaan lagu beeniyey inay ciidamadoodu qayb ka ahaayeen dagaalkii Doollow, uuna dhinac seddexaad dhibaato ka dhex wado Soomaaliya iyo Itoobiya.

Hoos ka akhriso labada warsaxaafadeed:

Horseed Media

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in Xogta