Connect with us

Xogta

Xog ka cusub dagaal beeleedkii cuslaa ee ka qarxay MUDUG – Wa sidee maanta xaalku?


Muqdisho (Adduun) – Wararka aan ka helayno dagaal qaraar oo shalay maleeshiyo beeleed ku dhex-maray galbeedka gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in weli dhinacyadu is horfadhiyaan.

Labada beelood ee dagaalka u dhaxeeyo ayaa weli isku horfadhiya deegaanaddii ay shalay ku dagaalameen, iyada oo mararka qaarna la maqlayo rasaas teel-teel ah, sida ay Adduun u sheegeen dadka deegaanka.

Waxaa sidoo kale socda dadaallo ay wadaan maamullada Puntland iyo Galmudug oo ku aaddan sidii xabadda loo joojin lahaa, islamarkaana xiisadda labada beel ee walaalaha ah loogu soo dabaali lahaa jawi nabdoon oo wada-hadal lagu xaliyo.

Dagaalka dib uga qarxay galbeedka gobolka Mudug ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac horleh oo labada dhinac ah, waxaana lasoo warinayaa in colaaddan salka ku hayso dhul daaqsimeed halkaasi ku yaalla.

Waxaa magaalada Gaalkacyo saacadihii u dambeeyay ka socday kulmo labada maamul ee Puntland iyo Galmudug ay uga hadlayeen sidii loo soo afjari lahaa colaaddaan, xilli ay dowladda federaalka Soomaaliya ay ku baaqday in deg deg loo joojiyo dagaalka u dhaxeeya beelaha walaalaha ah.

Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta oo shalay bayaan soo saartay ayaa waxay muujisay sida ay uga walaacsan tahay dagaalka beelaha walaalaha ah ku dhex-maraya deegaanno ka tirsan gobolka Mudug.

“Wasaaradda waxay ka walaacsan tahay dagaalka beelaha walaalaha ah ku dhex-maraya deegaannada; Jiicboor, Saxo-Qurun iyo Meygaagta, ee ka tirsan gobolka Mudug. Waxaan ugu baaqeynaa in ay si deg deg ah u joojiyaan colaadda islamarkaana ay fursad siiyaan nabadda iyo wada-hadalka.”

Sidoo kale wasaaradda ayaa waxay ka codsatay odayaasha dhaqanka, culimaa’udiinka iyo bulshada inteeda kale inay nabadda u istaagaan oo ay kaalintooda ka qaataan sidii colaadda loo joojin lahaa.

Gobollada dhexe ayaa waxaa kusoo laab-laabtay dagaal beeleedyada, kuwaas oo gaystay khasaare aad u xoogan oo laga baaqsan karey, waxayn kusoo aadayaan xilli ay weli howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab ka socdaan Galgaduud iyo Mudug.


Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in Xogta