Connect with us

Xogta

Xasan oo tababar usoo xiray saraakiil sanado lagu diyaarinayay TURKSOM


Muqdisho (Adduun) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar usoo xiray saraakiil iyo saraakiil xigeenno cusub oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Saraakiishan ayaa muddo saddex sanno ah lagu diyaarinayey dugsiga tababarka ciidamada ee TurkSom ee magaalada Muqdisho.

Saraakiisha iyo xiggeenada maanta loo soo xiray tababar ayaa ku soo biiray hoggaanka ciidanka dalka, iyada oo shahaadooyin iyo abbaal-marrinno kale guddoonsiiyay madaxweynuhu. Saraakiishan ayaa noqonaya dufcaddii 6-aad ee muddo sanado ah qaata tababar aqoon kororsi ah.

Madaxweynaha oo saraakiisha kala hadlay xaaladda dalka ee lagu jiro iyo howlaha muhiimka ah ee sugaya, isaggoo ku adkeeyay in ay si daacadnimo ah oo ay ku dheehan tahay Soomaalinimo u gutaan waajibaadka culus ee horyaalla.

“Qofku haddiyadda uu bixiyo waxaa ugu qaalisan naftiisa waxaadna dalkiina iyo dadkiina u hurteen noloshiina, sidaa daraadeed ogaada cadow aad u caqli liita ayaan dagaal kula jirnaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay saraakiisha tababarka dhameystay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale wuxuu u mahad-celiyay dowladda Turkiga iyo madaxweynahooda, isaggoo ku ammaanay in ay gacan weyn ka geysteen yagleelidda dhismaha dowlad Soomaaliyeed.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee maanta qallin-jabiyay ayaa isugu jira kuwo ka yimid ciidanka badda, dhulka iyo cirka.


Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in Xogta