Mashruucan ayaa waxaa ka wada shaqeeyey diyaarintiisa maamulka HirShabeelle iyo hay’adaha maal-gelinaya, waxaana si buuxda gacanta ugu hayey xafiiska madaxweyne Guudlaawe, sida ay xog ku heshay Adduun.
Hase yeeshee, xilli la filayey in Guudlaawe uu magacaabo mas’uulka maareyn lahaa mashruuca, ayaa waxaa soo faro-geliyey shaqsiyaad ka tirsan xafiiska Xamza, gaar ahaan Axmed Nuur Uleex oo ay qaraabo yihiin ra’iisul wasaaraha.
Ahmed Nuur Uleex wuxuu hore ugu fashilmay in ninka la magacaabay uu geeyo mashruuca, waxaa taas ka diiday wasiirkii hore ee Beeraha iyo Daaqa Hon. Axmed Madoobe Nuunow, isagoo markii dambe xilkiisa ku waayey.
Kadib, ayaa waxaa wasiirka Beeraha iyo Daaqa loo soo Magacaabay Maareeye oo xariir fiican uu kala dhaxeeyo Axmed Nuur Uleex oo ay ka wada tirsanaayeen kooxdii Xasan Cali Kheyre.
Maareeye ayaa markii uu xilka la wareegay waxa uu ka dhaadhiciyey hay’adaha fulinaya mashruuca in wasaaradda beeraha federaalka la hoos keeno mashruuca, loogana soo wareejiyo HirShabeelle, taasi oo lagu guuleystay.
Arrintaas waxaa Maareeye iyo Uleex kala shaqeeyey saaxiibkood Yaxye Cali Hareeri oo ay ka wada tirsanaayeen team Xasan Cali Kheyre. Yaxye oo la taliye ugu magacaaban Madaxtooyada HirShabelle ayaa qeyb weyn ka qaatay in mashruucan la hoos geeyo federaalka.
Axmed Nuur Uleex (bidix) iyo Yaxye
Uleex ayaa kadib wasiirka beeraha Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) u gudbiyey nin ay isku beel yihiin oo lagu magacaabo Mohamed Salah Abdi oo ka soo jeeda waqooyi bari Kenya, si loogu magacaabo agaasimaha mashruuca, sida ku cad warqadda magaaabista oo ay heshay Adduun.
Arrintan ayaa ka careysiisay maamulka xafiiska madaxtooyada HirShabeelle oo sanado badan ka soo shaqeynayey diyaarinta mashruuca. Waxaa sidoo kale la-yaab ku noqotay in nin aan deegaanka ka soo jeedin oo aan aqoon u laheyn hab qabiil loogu gacan geliyo mashruuc u baahan wada-shaqeynta iyo isku xirka bulshada deegaanka.
Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe oo lagu yaqaan inuu yahay nin dabacsan oo aan go’aan adkeyn ayaan illaa hadda wax tallaabo ah qaadin, si uu isaga caabiyo faro-gelinta ka timid xafiiska ra’iisul wasaare Xamza.
Siyaasiyiin iyo dad kale oo deegaanka ah oo marar badan kula taliyey inuu arrintan ku gacan sayro ayaa laga soo xigtay inuu u sheegay inuu la-tashi ka sameynayo, balse sida muuqata ay noqon doonto xilli dambe marka uu go’aan qaato, haddiiba ay dhacdo.
Xafiiska Xamza ayaa faro-gelin xooggan ku haya maamul goboleedyada qaarkood iyo inta badan wasaaradaha dowladda, ayada oo mashruucyo badan sidan oo kale looga soo wareejiyey.