Connect with us

WARARKA

Shiinaha oo jawaab adag ka bixiyay arrin ay sameysay Somaliland – Maxaa soo kordhay?

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa markii u horreysay jawaab adag ka bixisay wafdi ay dhawaan Somaliland u dirtay Taiwan, kuwaasi oo qeyb ka ahaa caleemo saarka hoggaamiyaha Taiwan oo dhacday 20-kii bisha May.

Afhayeenka safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay in Shiinaha mowqifkiisu yahay “in Somaliland ay qeyb ka tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

“Shiinaha uma arka Somaliland dal, wuxuuna raacsan yahay xaqiiqada aas-aasiga ah ee ah in Somaliland ay ka tirsan tahay dhulka Soomaaliya,” ayuu yiri afhayeenka safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in WARARKA