Connect with us

Xogta

Ra’iisul Wasaare Xamza oo xil sare magacaabay maanta






Muqdisho (Adduun) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay La-taliyaha sare ee dhaqaalaha.

Xilkan ayaa waxaa loo magacaabay Dr Aweys Cabdullaahi Cali, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Aweys Cabdullaahi ayaa sidoo kale ah agaasimaha waaxda qorsheynta dhaqaalaha ee xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

La-taliyahan cusub ayaa qeyb ka noqonaya la-taliyeyaal dhowr ah oo horey u magacaabay ra’iisul wasaaraha, xilli qaarkood ay dood xooggan dhaliyeen, maadaama ay jiraan wasaaraddo ku shaqo leh arrimaha loo magacaabay.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna leh la-taliyeyaal badan tan iyo markii uu xilka la wareegay, oo mararka qaarkood lagu weerarayo waxa ay qabtaan.

Balse dadka ku dhow Villa Somalia ayaa sheegaya in magacaabistan ay tahay qancis loo sameynayo beelaha iyo maamul goboleedyada qaar, oo aysan la-taliyeyaasha wax talo ah siin madaxweynaha.








Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in Xogta