Connect with us

Ciyaaraha

Pep Guardiola Oo Ka Jawaabay Wararka La Xidhiidhinaya Xulka England.


Pep Guardiola ayaa sheegay inuu ‘aad ugu faraxsan yahay’ Manchester City oo uu diirada saarayo kaliya xilli ciyaareedka soo socda xilli lala xidhiidhinayo xulka England oo raadinaya badalka Gareth Southgate.

Xulka England ayaa raadinaya tababare cusub kadib markii uu shaqada ka tagay tababare Gareth Southgate kadib fashilkii Euro 2024.

Guardiola ayaa ku jira sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa Man City waxana lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagi karo kooxda.

“Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay kooxda, ma sugi karo xilli ciyaareedka soo socda”ayuu Guardiola yidhi.

“Sida xilli ciyaareed kasata waxa aan u baahanahay nasasho laakiin kadib wakhti kooban wax aan helaa dar-dar aad u fiican”.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in Ciyaaraha