Connect with us

Xogta

Midowga Afrika oo shaaciyey in Soomaaliya ay ka bilaabaan howlgal aan aheyn ATMIS


Muqdisho (Adduun) – Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa taageeray in la sameeyo howlgal cusub oo Midowga Afrika uu hoggaamiyo, maadaama howlgalka hadda socda ee ATMIS uu dhamaanayo bisha December ee sanadkaan 2024.

Midowga Afrika ayaa warbixinta ay soo saareen ku sheegay in howlgalka cusub ay diiradda ku saari doonaan taageeridda dowladda federaalka Soomaaliya, si dalka looga xoreeyo kooxaha argagixisada ah.

Howlgalka bilaabanaya ee ATMIS bedelaya ayaa mudnaanta lagu siinayaa ilaalinta rayidka Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin.

Howlgalka cusub ayaa Soomaaliya ka caawi doona xasilinta iyo amniga dalka, iyadoo awood la siinayo mudnaanta dowlad-dhiska, sida lagu sheegay warbixinta.

Dhanka kale, Midowga Afrika waxay si adag u taageereen codsigii ka yimid Soomaaliya ee 16-kii May 2024 iyo 17-kii May 2024, kaas oo ahaa in qaab weji leh loo wajaho Wajiga 3-aad ee howlgalka Midowga Afrika.

Sanadkaan waxaa Soomaaliya ka baxaya 4,000 oo askari oo ciidamada ATMIS ka tirsan, kuwaas oo 2,000 oo askari ay baxayaan dhamaadka bisha June 2024, halka 2,000 oo kale ay baxayaan dhamaadka Sebtembar 2024.

Qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ah in ciidamada Itoobiya ay ka baxaan dalka bisha December ee sanadkaan, in kastoo aan la ogeyn sida uu u dhaqan geli doono go’aankaas.

Hoos ka akhriso warbixinta

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in Xogta