Connect with us

Xogta

Maxay tahay warbixinta Aadan Madoobe uu la wadaagay Mareykanka? + Sawirro


Muqdisho (Adduun) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta kulan la qaatay safiirka cusub ee dowladda Mareykanka usoo magacowday Soomaaliya Danjire Richard H. Riley.

Guddoomiyaha ayaa Danjiraha la wadaagay warbixinta arrimo ay ugu muhiimsan yihiin xaaladda amniga, dhaqaalaha iyo howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu Danjiraha Mareykanka la wadaagay horumarada kala duwan oo ay dowladda Soomaaliya ku talaabsaneyso iyo guulihii u dambeeyay ee ay gaartay dowladda.

Kulanka oo sidoo kale ahaa mid is xog-wareysi ah oo ay yeesheen labada mas’uul, ayaa guddoomiye Aadan Madoobe kusoo dhaweeyay Danjiraha cusub, ayada oo Mr. Riley uu uga mahad-celiyay Aadan Madoobe qaabilaada uu u sameeyay, isaga oo sheegay inuu ku faraxsan yahay kulanka ay wada yeesheen.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay farxad gooni u tahay in loo soo magacaabo arrimaha Soomaaliya, isaga oo ballan-qaaday inuu  ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada dal.

Richard H. Riley oo saddex maalin kahor warqadaha aqoonsiga danjirenimo uu ka guddoomay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waday kulamo xog wareysi ah oo uu ka qaadanayo madaxda Soomaaliyeed, isaga oo kala hadlayo arrimaha hortabinta u leh dalka.

Horay madaxweynaha Soomaaliya ayaa Danjiraha cusub ee Mareykanka u ballan qaaday in dowladda federaalka ay ku garab istaagayso gudashada waajibka shaqo ee loo igmaday.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee taageera Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale tababar siiyaa ciidanka Danab, sidoo kale wuxuu qayb ka yahay dagaalka Al-Shabaab.

Dhamaad.


Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in Xogta