Muqdisho (Adduun) – Xildhibaanno ka tirsanaa baarlamaanka 11-aad ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa xilalkooda golaha ku waayey kadib markii ay qabteen xilal kale oo dowladda.
Xubnahan ayaa qaarkood booskooda la buuxiyay, halka qaar kale ay weli bannaan yihiin oo aan lasoo buuxin, waxaana kamid ah xildhibaannada waayey kursigooda golaha shacabka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo xilka loo magacaabay June 2022-kii.
Magacyada qaar kamid masuuliyiinta kursigooda baarlamaanka ku waayey xilalka dowliga ah ee loo magacaabay;
1. Xamza Cabdi Barre oo loo magacaabay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa isaga tagay kursigii uu ku noqday xildhibaan katirsan baarlamaanka, kaas oo tirsigiisu ahaa HOP#203.
2. Mahad Maxamed Salaad oo ku fadhiyey kursiga HOP#147 ayaa waayay kursigaan kadib markii loo magacaabay hoggaanka hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA.
3. Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe oo ku fadhiyey kursiga HOP#058 ayaa waayey xubinnimadiisi golaha shacabka kadib markii loo magacaabay agaasimaha hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka ee NISA.
4. Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo 2022 ku guuleystay kursiga HOP#172 ee deegaan doorashadiisuna tahay Baydhabo ayaa kursigaan waayey kadib markii uu aqbalay xilka loo magacaabay ee ah taliyaha ciidanka asluubta.
5. Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo isna ku fadhiyay kursiga tirsigiisu yahay HOP#049 ayaa xubinnimada golaha shacabka ku waayay kolkii loo magacaabay agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya.
6. Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo kamid ah xildhibaannadii laga soo doortay Galmudug, kaas oo ku fadhiyey kursiga HOP#248 ayaa isna dhawaan xilkiisa xubinnimo ee baarlamaanka ku waayay kadib markii loo magacaabay ku-xigeenka taliyaha NISA.