Connect with us

Xogta

Maxaa ka jira in DF fashilineyso dagaalka Puntland ee Daacish? – Allbanaadir.com

Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Mire oo ka tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya lagana soo doorto Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh inay ku hawllan tahay fashilinta dagaalka Puntland kula jirto Daacish ee ka socda Buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Xildhibaanka oo maanta hadal ka jeediyay Fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka oo ay saaxiibo dhaw yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh inay mileeshiya-beeleed ka abaabulayaan magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso, si ay qalalaase uga sameeyaan Puntland.

Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Mire ayaa tilmaamay in mas’uuliyiintaasi oo ka soo jeeda Puntland ay Garoowe Boosaaso ku diyaarsadeen maleeshiyaad qabiil oo uu mushahar ugu qoray Madaxweyne Xasan Sheekh, si ay qalalaase u sameeyaan oo loo xagal-daaciyo dagaalka Puntland kula jirto kooxda Daacish.

̶Intii uu socday Dagaalka Daacish waxaa jira mas’uuliyiin ka tirsan xukuumada Xasan Shekh oo abaabulay maleeshiya beeleed lagu ururinayo Bosaaso iyo Garoowe. Mas’uuliyintaasi waxay saaxiib dhow la yihiim Madaxweyna Xasan Shiikh, halkii Dagaalka Daacish Taageera laga sugayay Madaxweynaha waxa uu ku abaal mariyay mas’uuliyiintaas inuu ku daro maleeshiya beeleedka Bayrolka Ciidamada Xooga dalka” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullahi Faarax Mire.

Xildhibaanku ma keenin cadeymo muujinaya eedeymaha uu u jeediyey Vila Somalia, iyadoo dhinaca DF aysan weli ka jawaabin eedeymaha sheegaya iney wadaan qorsheyaal lagu fashilinayo dagaalka Puntland kula jirto Daacish.

The post Maxaa ka jira in DF fashilineyso dagaalka Puntland ee Daacish? appeared first on Allbanaadir.com.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in Xogta