Connect with us

Ciyaaraha

Man United Oo War Fiican Ka Heshay Tartanka Loogu Jiro Saxiixa Joshua Zirkzee



Agaasimaha ciyaaraha Adduun Ac Milan ee Zlatan Ibrahimović ayaa xaqiijiyay in ay kooxdiisu ka baxday tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Joshua Zirkzee.

Ac Milan ayaa xiiso u qabtay saxiixa xiddiga Joshua Zirkzee iyada oo doonaysay in ay ku xoojiso weerarkeeda xilli ciyaareedka dambe.

Laakiin Milan ayaa u muuqata kuwo ka baxay tartanka sida uu xaqiijiyay Zlatan Ibrahimović oo ah agaasimaha kooxda Ac Milan.

Zlatan Ibrahimović ayaa xaqiijiyay in AC Milan aysan hadda wadahadal kula jirin Joshua Zirkzee: “Zirkzee? waa wakhti tagay”.

“Waxa aan haatanba diyaarinay qorshaha weeraryahyan cusub laakiin magaciisa kuuma sheegayo”.

Arintan ayaa la macno ah in ay Adduun Man United kali ku tahay tartanka loogu jiro weerayahanka suuqa kala iibsiga xagaaga.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in Ciyaaraha