Connect with us

WARARKA

Madaxweyne Xasan oo Xaadoole farriin culus ugu dhiibay beesha ABGAAL

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay in garoon diyaaradeed kan ugu weyn laga dhiso inta u dhaxeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Warsheekh.

Aagga degmada Warsheekh waxaa ku yaalla dhul ay horay u sahmisay dowladda Soomaaliya, intii uu xafiiska joogay madaxweyne Farmaajo, waxaana dhulkaas hadda ka hor kormeer ku tegay madaxweynaha wasiiro, xildhibaano, saraakiil iyo injineero ay dirtay dowladda federaalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay arrintaan kala hadlay Xildhibaan Cismaan Xaadoole iyo xubno kale oo la socday oo qadiyadda Daarusalaam uu ka qanciyey, kuwaas oo Madaxweynuhu uu u cadeeyey sida ay uga go’an tahay in la dhiso garoonkaas.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in WARARKA