Connect with us

WARARKA

Khilaaf ka dhaxeeya madaxweyne Xasan iyo Lafta-gareen oo soo shaac baxay

 Waxaa muuqata inuu banaanka usoo baxay khilaaf ka dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen.

Khilaafkan ayaa waxaa soo saaray qorshaha ay dowladda federaalka ku dooneyso in dalka looga saaro ciidamada Itoobiya, oo badankood ku sugan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Laba maalin ka hor ayaa Xuseen Sheekh Cali, oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee Soomaaliya, wuxuu sheegay in marka uu dhammaado muddo xileedka ATMIS oo ku eg December 2024 ay dalka ka bixi doonaan ciidamada Itoobiya, halka kuwa kale ee Afrikaanka ahna ay muddo sanad ah ku sii joogi doonaan howlgal kale.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in WARARKA