Connect with us

Xogta

Khasaare culus oo ka dhashay duqeymo cusub oo ISRAEL ay ka fulisay GAZA


Gaza (Adduun) – Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in laba weerar oo cirka ah oo ay ciidamada Israa’iil Isniintii ku weerareen xarumo gargaarka bani’aadannimo lagu keydiyo ay ku dileen ugu yaraan 11 qof oo Falastiiniyiin ah.

Mid kamid ah gantaallada ayaa lagu dhuftay xarunt gargaarka bani’aadannimo lagu qeybiyo oo ku taalla magaalada Gaza, gaar ahaan aagga xerada qaxootiga ee Shati, weerarkaas ayaa waxaa lagu dilay saddex ruux.

Duqeynta kale ayaa lala eegtay meel u dhaw degmada Bani Suheyla ee koofurta Marinka Gaza. Ugu yaraan siddeed qof ayaa la xaqiijiyay in lagu duley duqeyntaasi.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Isra’il, oo horay loogu eedeeyay in ay beegsato xarumaha gargaarka bani’aadannimo, balse beenisay eedaahaasi, iyada oo ku eedeyso kooxaha kasoo horjeeda ee Gaza inay ka dhax dagaallamaan meelaha ay rayidka degganyihiin.

Habeenimadii xalay weerar cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay xarun caafimaad oo ku taal magaalada Gaza ayaa lagu dilay agaasimihii Ambalaaska iyo Waaxda Gurmadka ee Gaza, wasaaradda caafimaadka ee deegaanka ayaa sidaasi xaqiijisay.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in duqeyntaas ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan ururka Xamaas.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in dilka Hani al-Jacfarawi uu ka dhigay tirada shaqaalaha caafimaadka ee ay dishay Israa’iil tan iyo 7-dii Oktoobar ilaa 500. Ugu yaraan 300 oo kale ayaa ilaa hadda la xiray.


Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in Xogta