Connect with us

Xogta

IRAN oo maanta dooraneysa madaxweyne cusub iyo musharaxiinta ugu cad cad


Tehran (Adduun) – Dadka reer Iran ayaa maanta u dareeray codbixinta doorashada madaxtinimo ee lagu xulanayo cidda qabaneysa madaxweynaha dalkaasi mudada dhowrka sano ah eee soo socota.

Xarumaha  Codbixintu ayaa saaka furmay 8 subaxnimo, waxayna xirmi doonaan 6pm fiidmo, iyada oo ay suurtagal tahay in codbixinta lagu kordhiyo dhowr saacadood oo illaa caawa saqda dhexe.

Doorashooyinkaan ayaa la sheegay in ay ku tartamayaan dhowr qof, waxaana ugu cad cad Ghalibaf iyo Jalili oo u taagan inay yihiin kuwa ugu horreeya.

Labaduba waa muxaafid, inkasta oo Ghalibaf loo arko mid dhex-dhexaad ah, halka Jalili uu yahay nin adag.

Pezeshkian waa musharaxa kaliya ee matalaya siyaasada isbeddel doonka ee Iran, iyada oo musharaxiinta kale ee la midka ah aan loo ogolaan inay tartamo.

Waxaa hadda xilka madaxweyne ee dalkaasu si kumeel-gaar ah u haya Mohammad Mokhber kadib markii madaxweyne Ebrahim Raisi uu ku geeriyooday shil diyaaradaha qumaatiga u kaca ah.

Mokhber, si la mid ah Raisi waxaa loo arkaa inuu ku dhow yahay Khamenei, kaasi oo leh go’aanka ugu dambeeya ee dhammaan arrimaha qaranka. Mokhber ayaa noqday madaxweyne ku-xigeenka koowaad sanadkii 2021-kii markii Raisi loo doortay madaxweynaha.

Madaxweynaha Iran Ibrahim Ra’iisi iyo wasiirkiisii arrimaha dibadda iyo saraakiil la socotay ayaa bishii May dhammaan ku dhintay shil diyaarad hellikobter ah oo ku dhacday buuralleyda u dhaxeysa gobolka Bariga Azerbaijan ee dalka Iran.


Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in Xogta