Connect with us

Xogta

DF iyo Sweden oo kulan xasaasi ah ka yeeshay dagaalka iyo taageero cusub






Muqdisho (Adduun) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xarunta wasaaradda gaashaandhigga ku qaabilay Safiirka dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Joachim Waern.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xoojinta dadaalada socda, taageerada dowladda Sweden ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo kaabayaasha kale ee muhiimka u ah Soomaaliya.

Wasiirka difaaca Mr. Jaamac ayaa sharaxay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga go’antahay cirib-tirka kooxaha argagixisada, iyada oo dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu ku dheeraaday muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay taageerada caalamiga ah ee ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo dib u dhiska kaabayaasha kale ee muhiimka u ah dowlad-dhiska Soomaaliya.

Danjiraha Sweden u fadhiya Soomaaliya ayaa dhankiisa wuxuu ku amaanay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dadaalada xooggan ay dalkooda kaga xoreynayaan argagixisada oo ah kuwa dhibaato ku haya guud ahaan caalamka.

Mr. Joachim Waerni ayaa sidoo kale wuxuu ballan-qaaday in dalkiisu uu xoojinayo taageerada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dagaalka Al-Shabaab ayaa xilligaan maraya meel xasaasi ah, waxaana socda dadaallo horleh oo dowladda ku dardar-gelinayso howl-gallada ka dhanka ah kooxda oo muddooyinkii dambe uu gaabis ku yimid.








Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in Xogta