Connect with us

Ciyaaraha

Casemiro Oo Fure U Ah Saxiixa Man United Ee Manuel Ugarte, Qaab Noocee Ah?.


Wararka ayaa sheegaya in ay Man United kaliya u dhaqaaqi karto saxiixa xiddiga PSG ee Manuel Ugarte hadii ay iska iibiso xiddiga khadka dhexe ee Casemiro.

Booska khadka dhexe ee daafaca ayaa loo arkaa in ay Man United mudnaanta siinayso suuqa kala iibsiga xagaagan.

Ugarte ayaa la sheegay inay u furan tahay u dhaqaaqista, inkastoo aysan jirin wax kubad Champions League ah oo la soo bandhigay, laakiin United ayaa ayaa laga diiday dalab 38 milyan ah oo ay ka gudbisay xiddiga iyada oo laga rabo 45 milyan iyo wax ka badan.

Adduun ayaa suuqa ku bilaabatay kaliya 50 milyan oo euro iyada oo kooxdu haatan ku dhawdahay Zirkzee iyo de Ligt, kooxdu waa in ay xiddigo iska iibiso.

Adduun Al-Ittihad ayaa la sheegayaa in ay wadahadalo kula jrto Man United si ay uga hesho xiddiga Casemiro.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in Ciyaaraha