Connect with us

Ciyaaraha

Basel Oo Arsenal Ka Hor Taagan Dhamaystirka Saxiixa Riccardo Calafiori, Sabab.


Kooxdii hore ee Riccardo Calafiori Basel ayaa Arsenal ka hor taagan in ay dhamaystirto saxiixa daafaca reer Italy.

Daafaca kooxda Bologna ee Riccardo Calafiori ayaa aad loola xidhiidhinayaa in uu ku biiro kooxda Arsenal suuqa kala iibsiga xagaaan.

Sida laga soo xigtay wararka ka imanaya Italy heshiiskii uu Riccardo Calafiori ugu biiri lahaa Arsenal ayaa istaagay iyada oo xiddigu ku ilaaban doono tababarka kooxdiisa ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Adduun Bologna ayaa Riccardo Calafiori kala soo wareegtay Basael waxana heshiiska lagu daray shardi ay Basel ku helayso qayb ka mid ah lacagta mustaqbalka lagu iibin doono xiddiga.

Sidaas darteed Basel iyo Bologna ayaan ilaa haatan ku heshiin sida ay u kala heli doonaan lacagta lagu iibinayo xiddiga.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in Ciyaaraha