Connect with us

Xogta

Aadan Madobe oo furay buugga tacsida Jawaari


Muqdisho (Adduun) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta furay buugga tacsida ee guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Buugga tacsida ayaa mudo seddax maalmood ah waxay ka furnaan doona gurigii uu ku geeriyooday guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe ayaa guud ahaan qaranka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya.

Allaha u naxariistee Prof Jawaari ayaa shalay aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho, kaas oo Jimcihii ku geeriyooda gudaha caasimada, waxaana lagu aasay qabuuraha Sheekh Suufi, ayada oo aaska ka qayb-galeen mas’uuliyiin, ehellada marxuumka iyo shacab fara badan.

Jawaari ayaa waqtigiisii ugu badanaa soo geliyay dowlad dhiska Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed

Prof Jawaari ayaa ku dhashay magaalada Afgooye sanadkii 1945-tii, wuxuuna ku koray yaraantiisii degmada Buur-Hakaba ee gobolka Bay.

Wuxuu cilmiga sharciga ka bartay jaamacadii umadda Soomaaliyeed, intii u dhexeysey 1979-1985 waxa uu soo noqday sanadkii 2012-kii guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Barlamaankaas oo ahaa kii ugu horreeyey ee lagu doorto gudaha dalka oo ay odoyaasha dhaqanku soo xulleen.

Sanadkii 2017-kii ayuu mar kale noqday guddoomiyaha Golaha Shacabka balse xilkaas ma dhammaysan muddo xileedkiisa ka dib markii uu iska casiley.

Hadda wuxuu ka mid ahaa guddi madaxweyne ee uu Xasan Sheekh u magacaabay difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya ka dib khilaafka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.


Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in Xogta