Connect with us

Xogta

Golaha Ammaanka oo kulan ka yeelanaya dalabxasaasi ah oo uga yimid Soomaaliya


New York (Adduun) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midooba ayaa lagu wadaa inay maalinta Isniinta ah ee beri ay kulan xasaasi ka yeeshaan xaaladda Soomaaliya, kaas oo si gaar ah looga doodi doono dalab uga yimid dowladda federaalka.

Kulankan oo sidoo kale ah is xog-wareysi iyo wadatashi ah ku saabsan Soomaaliya ayaa waxaa warbixin looga dhageysan doonaa ku simaha Ergeyga QM ee Soomaaliya, James Swaniyo wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahan madaxa ATMIS Mohammed El-Amine Souef.

Labada mas’uul ayaa faah-faahin ka bixin doono xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, gaar ahaan horumarada la gaaray iyo qorshaha bixista ciidamada howlgalka ATMIS.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Golaha Ammaanka ay kulankooda diiradda ku saaraan codsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dhismaha howlgalka cusub ee beddela ATMIS, kaas oo ay maalgelintiisa ka cago jiidayaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub.

Kulankan wuxuu kusoo aadayaa, ayada oo Midowga Afrika uu aqbalay dalabka dowladda Soomaaliyeed ee dhismaha ciidamada cusub ee beddela ATMIS oo haatan baxeysa, waxaana golaha nabadda iyo ammaarka ururka uu soo dhaweeyay go’aanka dowladda.

Midowga Afrika ayaa si weyn u taageeray dhismaha howlgal cusub oo hoostagaya ururkooda, maadaama howlgalka ATMIS uu dhamaanayo bisha December ee sanadkaan.

Howlgalka cusub ayaa diiradda saari doono taageeridda dowladda federaalka Soomaaliya, si dalka looga xoreeyo kooxaha argagixisada ah, sida lagu sheegtay warbixinta.

Waxaa kale oo uu howlgalka bilaabanaya mudnaan lagu siinayaa ilaalinta rayidka Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale dowladda dhexe ka caawi doonaa xasilinta iyo amniga dalka, iyadoo awood la siinayo mudnaanta dowlad-dhiska, sida lagu sheegay warbixinta.


Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in Xogta