Connect with us

Xogta

Horjoogayaashii Al-Shabaab ee Buulo Xaaji oo usoo gacan galay DF


Kismaayo (Adduun) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaan ay isku soo dhiibeen ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ee howlgallada ka wada halkaasi.

Sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka hoggaamineyso waxaa isa soo dhiibay illaa 4 ka mid ah horjoogayaashii Al-Shabaab u qaalbilsanaa deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose.

Horjoogayaasha isa soo dhiibay ayaa kala ah Amiirkii deegaanka Buulo Xaaji, madaxii maaliyadda Khawaarijta ee deegaankaas, madaxii sirdoonka iyo horjooge kale oo u qaabilsanaa ooHorjoogayaashan isa soo dhiibay ayaa kala ahaa Amiirkii tuulada Buulo Xaaji, madaxii maaliyadda khawaarijta ee degaankaas, madaxii Sirdoonka iyo horjooge u qaabbilsanaa waxa ay nabad-diidku ugu yeeraan Zakawaadka.

Horjoogayaashan isa soo dhiibay ayaa kala ahaa Amiirkii tuulada Buulo Xaaji, madaxii maaliyadda khawaarijta ee degaankaas, madaxii Sirdoonka iyo horjooge u qaabbilsanaa waxa ay nabad-diidku ugu yeeraan Zakawaadka.Horjoogayaashan isa soo dhiibay ayaa kala ahaa Amiirkii tuulada Buulo Xaaji, madaxii maaliyadda khawaarijta ee degaankaas, madaxii Sirdoonka iyo horjooge u qaabbilsanaa waxa ay nabad-diidku ugu yeeraan Zakawaadka dhanka Zakawaadka.

Xubnaha isa soo dhiibay ayaa loo sameeyay soo dhaweyn, waxayna mari doonaan habraaca ay dowladda u dajisay in la marsiiyo xubnaha kasoo goosta kooxda Al-Shabaab.

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa dhowaan kooxda Al-Shabaab ka xoreeyey deegaanka Buulo-Xaaji oo 90KM dhanka galbeed kaga began magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka Al-Shabaab ayaa xilligaan maraya meel xasaasi ah, waxaana socda dadaallo dowladda ku dardar-gelinayso howl-gallada ka dhanka ah kooxda oo muddooyinkii dambe uu gaabis ku yimid, kaasi oo uu qeyb ka yahay howl-galka lagu xoreeyay deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose.

Si kastaba, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa dhowaan ku wajahan wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, waxaana ujeedada ay tahay in laga xoreeyo deegaanada maamulladaasi.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in Xogta