Connect with us

Xogta

Muwaadiniin Soomaali ah oo lagu gubay dalka Koonfur Afrika


Cape Town (pattern2) – Warar dheeraad ah ayaa  kasoo baxaya muwaadiniin Soomaaliyeed oo xalay lagu dhex gubay dukaankooda oo ku yaalla dalka Koonfur Afrika.

Dhacdadan ayaa si gaar ah uga dhacday xaafad ka tirsan gobolka Western Cape ee dalkaasi, waxaana ku dhintay wiil Soomaaliyeed,halka ay ku dhaawacmeen labo kale.

Marxuumka ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Cabdifitaax, waxaana wiilasha kale ee dhaawacmay hadda lagu dabiibayaa isbitaal ku yaalla halka ay mashaqadu ka dhacday.

Wararka ayaa sheegaya in falkan argagaxa leh ay ka dambeeyeen kooxo burcad Afrikaan ah oo dabka qabad-siiyay muwaadiniintaasi, xilli ay dhex jiifeen dukaankooda.

Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika oo la hadlay warbaahinta ayaa faah-faahiyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna xaqiijiyay dhimashada marxuumka iyo dhaawaca labada wiil ee kale.

“Allaha u naxariistee waxaa xalay dukaankooda dab la qabad-siiyay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugnaa xaafad ka tirsan oobolka gobolka Western Cape, halkaa waxaa ku geeriyooday muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdifitaax, sidoo kale waxaa dhaawacyo kale kasoo gaareen laba wiil oo kale” ayuu yiri guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in gebi ahaan u basbeelay dukaanka, ayna ku baaba’day dhammaan hantidii tiilay, maadaama la gubay xilli saq-dhexe ah.

“Dukaanka waa basbeelay, xilli saq-dhexe ah oo ay jiifeen ayaa laga war helay dukaanka oo dhammaantiis isla ololaya sidaas ayayn wax u dhaceen” ayuu sii raaciyay.

Laamaha ammaanka ee dalka Koonfur Afrika ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan falkaasi argagaxa leh, sida uu sheegay guddoomiyaha jaaliyadda.

“Laamaha ammaanka oo aan xiriir la sameynay waxa ay innoo sheegeen inay baarayaan dhacdadaasi” ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu.

Koonfur Afrika ayaa waxaa sanadihii u dambeeyey ku sii kordhaya dilalka, dhaawaca iyo dhaca loo geysto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.

Si kastaba, Ma jirto cid wax ka qabata dhibaatooyinka loo geysto muwaadiniinta Soomaalida ah ee dalkaasi u shaqo doontay, oo iyagu u badan dhaca, dhaawaca iyo dilalka loo geysto dadka ajaaniibta ah ee ku ganacsada dalkaasi.

 

 

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in Xogta