Connect with us

Xogta

Bashiir Macalin oo difaacay Xasan Sheekh tallaabadii Qabuuraha Iskuul Buluusiya

Muqdisho (Adduun) – Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Bashiir Macallin Cali oo ka qayb-galay munaasabadka dhacday magaalada Muqdisho ayaa si weyn u difaacay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn loogu dhalleeceeyay go’aanka lagu faagay qabuuraha Iskuul Buluusiya ee Muqdisho.

Bashiir Macallin ayaa u jawaabay xubnaha mucaaradka ah iyo dadka kale ee madaxweynaha ku dhaliilay tallaabada uu qaaday ee maydadka looga soo saaray qabuurahaasi, wuxuuna sheegay in laga haboon yahay in la siyaasadeeyo maydad laga soo bixiyay dhul Soomaaliyeed oo la geeyay dhul kale oo Soomaaliyeed.

Agaasimaha ayaa sheegay in dhulkaas oo dan-guud ah laga rabo xero ciidan, sidaas daraadeedna uu ka digayo in la siyaasadeed arrimaha ciidanka iyo horumarkooda.

“Waxaan rabnaa in marnaba aan la siyaasadeynin arrimaha ciidanka maalin dhaweyd waxaa la dhahay halaga baxo oo maydadka halaga saaro Qabuuraha Iskuul Buluusiya oo waxaa u baahan ciidanka waa sax waxa qabriga ku jiro waa mayd, maydkana xormuu leeyahay laakiin mayd laga saaray dhul Soomaaliyeed oo lagu duugay dhul kale oo Soomaaliyeed in la siyaasadeedyo sax ma’aha” ayuu yiri agaasime Bashiir Macallin.

Sidoo kale wuxuu agaasimuhu sii raaciyay “Ninka dhahaayo waxaan ka jiriricooday maydka ee aan haddane u hambalyeneynin guulaha ay ciidanka keeneen iyo Khawaarijta la jebiyay waxaan leenahay jiriricadaas waxba kama jiraan yaan la siyaasadeyn ciidanka.”

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ay ka go’an tahay in la dhiso, lana qabeeyo ciidanka xoogga dalka.

“Meelaha ay ciidanka dagan yihiin waa la dhisayaa diyaarado ayaa loo gaday waad aragteen, waxay u baahan yihiin garoomo u gaar ah, waxay u baahan yihiin in mushaarka loo kordhiyo,” ayuu mar kale yiri agaasimaha wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada.

Bashiir Macallin ayaa ugu dambeyn farriin u diray xubnaha mucaaradka, isaga oo ugu baaqay inay iska daayaan arrinta qabuuraha, ayna raadiyaan dhaiil kale.

“Walaalayaalow waxyaalo kale oo madaxweynaha lagu dhaliilo hala raadiyo laakiin ciidankii uu 24 saac usoo jeeday oo furimaha uu u taagnaa meesha uu u qalabeynaayay in la siyaasadeeyo sax ma’ahan, mana la aqbali karo,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in Xogta