Muqdisho (Adduun) – Shantii sano ee uu madaxweynaha ahaa Maxamed Cabudullaahi Farmaajo magaca ciidamada booliska gaarka ah ee Haramcad ee Soomaaliya iyo kuwa kumaandooska Gorgor ayaa wuxuu aad ugu jiray wararka Soomaliya.
Marar bandanna wuxuu ka muuqday ciwaannada warbaahinta Soomaalida, haddase dowladdan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale magacooda aad loo hadal hayaa kadib markii la sheegay in qaar ka mid ah ciidamadaan la geeyay deegaanka Raaskambooni.
11-kii Bishan December ciidmada dowladda federaalka ah oo ay Haramcad ka mid ahaayeen ayaa waxa uu dagaal ku dhexmaray deegaanka Raaskambooni kaas oo labada dhinac midba midka kale ku eedeeyay inuu weerarka soo qaaday. Khasaare aan si rasmi ah aan loo shaacin ayaa ka dhashay.
Dowladda Federaalka ayaa horay u sheegtay in ciidamadaas Raakambooni loo geeyay inay buuxyiyaan goobihii ay banneeyeen ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS balse maamulka Jubaland ayaa gaashaanka u daruuray hadalka dowladda waxa ayna ku andacoodeen in ciidaankaas Meesha loo geeyay in maamulka Axmed Madoobe lagula dagaalamo.
Dowladda ayaa ku eedeysay madaxweynaha maamulka Jubaland inuu go’aansaday inuu iska horkeeno labada ciidan, iyadoo intaasi raacisay in ciidamadu aaney amar u haysan in ay la dagaallamaan cid aan ka ahayn Al-Shabaab.
Dhanka kale Wasiir ku xigeenka Amniga Gudaha Jubaland Aadan Axmed Xaaji oo maalintii dagaalku dhacay qabtay shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dagaal saacado badan qaatay ay ciidamada maamulkiisu kula wargeen deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubada Hoose.
Wuxuu ku eedeyay dowladda federaalka in ciidamadii caalamku u tababaray ay si qaldan u adeegsatay, isagoo sidoo kale sheegay in dagaalka ay ku qabteen ciidan hub iyo gaadiid isla markaana ay jiraan ciidamo ka dhaawacmay dhanka dowladda oo ay gacanta ku hayaan, waxaana uu xusay in si wanaagsan loola dhaqmayo ciidamadaas dhaawacyada qaba.
Ciidamada Haramcad iyo kuwa Gorgor ayaa waxay ka fuliyeen gudaha waddanka tobanaan hawlgal oo ka dhan kooxda Alshabaab, balse eedeynta ku saabsan ku luglahaanshooda arrimaha siyaasadda ayaa dhaliyay hadalhaynta ugu badan.
Eedeymo badan oo loo jeediyay madaxda cidamadaas ayaa marar badan siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliyeed u gudbiyeen dawladda Turkiga oo Soomaaliya ka caawisay tababarkooda. Siyaasiyintii mucaaradka ahaa ee markaasi eedeynayay waxaa ka mid ah madaxweynaha haatan talada haya ee Xasan Sheekh Maxamuud.
Meelaha horay loo geeyay ee muranka badan uu ka dhashay waxaa ka mid ah gobolka Hiraaan oo ay ka jirtay xiisad siyaasadeed, taasoo si weyn loo cambaareeyay. Balse dowladda Farmaajo ee xilligaasi ayaa sheegtay in ciidammadaasi loo adeegsaday sugidda amniga iyo la dagaalanka Shabaab oo kali ah.
Ciidanka Haramacad ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa ciidankii la geeyay magaalada Baydhaba xilliga doorashada Koonfur Galbeed, waxaana sidoo kale loo daabulay qeybo ka mid ah gobolka Gedo.
Hase yeeshee markii ay talada la wareegtay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dad badan waxa ay is weydinayeen waxa ciidamada Haramcad ka yeeleyso.
Waraysi ay BBC du 7-dii Luuliyo ee 2022 la yeelatay agaasimahii warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdulqaadir Cali Dige, ayuu ku sheegay in ciidmadaas ay u shaqayn doonaan sida rasmiga ah ee booliska Soomaaliye u hawlgalo.
Dige ayaa yiri: “Awaamiirta iyo qorshayaasha iyo hawlaglinta taliyayaasha booska Soomaaliyeed uu qabo ayay ku shaqeynaayaan booliska kale ee Soomaaliyeed ayayna ka mid yihiin.”
Maxay yihiin Ciidamada Haramcad?
Ciidanka Haramacad oo ka tirsan booliska Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa la asaasay markii uu xukunka qabtay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waana ciidan si gaar ah loogu tababaray ka hortagga rabshadaha iyo dagaallada ka dhaca magaalooyinka.
Ciidankan oo tiro ahaan lagu qiyaasay kun askari ayaa waxaa tababaray dowladda Turkiga oo gudaha dalkeeda u qaada, halka qaarna ay tababarka ku qaataan xerada TurkiSom ee Muqdisho.
Inta badan hubka ay wataan ayaa ah mid fudud, waxaana ay u carbisan yihiin hawlgallada qorsheysan.
Tuutaha ay wataan askarta Haramacad ayaa ah mid ka duwan ciidamada kale ee booliska, waxaana intooda badan ay horay uga tirsanaayeen ciidanka nabadsugidda Soomaaliya ee NISA, sida aan ka soo xiganay saraakiil horay u maamuli jirtay.
“Ciidamadan waxa ay intooda badan ka mid ahaayeen askartii NISA ee hubka sitay, balse dowladda hadda jirta ayaa u bedashay booliska sida gaarka ah u tababaran. Waxa ay u badan tahay in magacooda Haramacad lagu saleeyay midabka tuutaha ay xiran yihiin,” ayuu yiri Cabdisalaam Guuleed, taliye kuxigeenkii hore ee NISA.
Maxay yihiin ciidamada Gorgor?
Dowladda Soomaaliya ayaa dhamaadkii bishii hore sheegtay in ay ciidamo ka dejisay Raaskaamboni oo ka tirsan degmada Badhaadhe. Dowladda aya sheegtay in cutubyo ka tirsan ciidamada Gorgor gaar ahaan guutada 18aad ee kumandooska halkasi la geeyay, kuwaas oo la sheegay in ay lawareegayaan goobaha ay a ka baxeen ciidamada ATMIS, sida lagu daabacy barta X ee SNTV.
Ciidamadaan ayaa waxaa horay siyaasiyiin uu ka mid yahay madaxweyne Xasan Sheekh ugu eedeyeen in hawlgallo siyaasadeed loo adeegsaday.
Ciidamadan ayaa waxaa horay loogu eedeeyay inay fuliyeen howlgallo ka dhacay gobolka Gedo, Dhuusamreeb iyo ”weerar la sheegay in lagu qaaday madaxweynayaashii hore 19-kii Febraayo 2021 oo kadhacay Muqdisho.
Waa ciidan kamid ah xoogga dalka, Turkiga ayaa u tababaray Dowladda Soomaaliya, tiradiisu waxa lagu qiyaasaa inay u dhaxeyso 5kun ilaa 6kun, waxaana xarun u ah xerada Turksom oo ah saldhigga ee ciidan ee Turkigu ku leeyihiin meel ka baxsan dalkooda.
Gorgor ciidan ahaan waxa uu hoos tagaan taliyaha ciidanka lugta.
Dhanka kale, dawladda Turkiga ayaa Soomaaliya u tababarta ciidmada kumaandooska Gorgor ee Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii la doortay safar uu ku tagay wadanka Turkiga wuxuu ku booqday xerada Isparta ee lagu tababaro ciidmada Soomaalida.
Agaasimihii xilligaasi Dige oo ay BBC-du wax ka weydiinay shaqada ciidamadaan ayaa sheegay in ay tagi doonaan furimaha.
“Ciidmada horay waa u dhacday in siyaasad loo isticmaalo,” ayuu yiri Dige.
“Laakiin madaxweynaha waxaa ka go’an ciidamada in ay siyaasadda ka madaxbanaanaadaan oo ay ku shaqeeyaan dastuurka qaranka.”
Isha: BBC