Connect with us

WARARKA

Xogta heshiis cusub oo Israel ay aqbashay iyo Joe Biden oo farriin u direy Xamaas

Xilli ay ciidamada Israa’iil ay sii wadaan duqaymaha ay ka geysanayaan gudaha magaalada Rafax ayaa madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden uu ku dhowaaqay heshiis cusub oo Israel ay aqbashay.

Heshiiskan oo Biden uu gadaal ka riixayo ayaa ah mid xabbad-joojineed oo saddex weji leh, kaasi oo ay aqbashay Israa’iil, waxaana heshiiskaas ku jira in marka hore la joojiyo dagaalka muddo lix toddobaad ah, taasi oo looga gudbi doono wejiyo kale oo sahli doona in la gaadho heshiis xabbad-joojineed oo rasmi ah.

Wajiga koowaad waxaa ku jiri doona “xabad joojin buuxda oo dhameystiran,” ayuu sheegay Biden, xilli uu hadal ka jeedinayey Jimcihii Aqalka Cad ee Maraykanka.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in WARARKA