Duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa haatan bilaabay la xisaabtan dhab ah oo uu ku sameynayo dhammaan guddoomiyeyaasha degmooyinka ee gobolka Banaadir, si loola socda shaqooyinkooda.
Madaale ayaa maanta kulan isla xisaabtan iyo dardargelin shaqo la yeeshay heerarka kala duwan ee maamulada Xamar Jajab iyo Waaberi oo ay u jiraan guddoomiyeyaasha.
Sidoo kale waxa uu warbixin la xariirta horumarada iyo caqabadaha dhinaca shaqooyinka ka dhageystay qeybaha kala duwan ee Maamulada Degmooyinka Xamar-Jajab iyo Waaberi, isaga oo kula dardaarmay dardargelinta adeegyada loo haayo Bulshada, La-dagaalanka Maandooriyaha, Anshax xumada, Nadaafada iyo in laga fogaado musuqa.