Connect with us

Xogta

Tirada dhimashada ee dhul-go’ii Ethiopia oo aad u korortay


Addis Ababa (Adduun) – Waxaa sii kordhaysa tirada dadka ku dhintay dhul-go’ii ka dhacay dalka Ethiopia.

Sida ay shaacisay Qaramada Midoobay tirada dhimashada ayaa haatan kor u dhaaftay illaa 257, waxana lagu qiyaasayaa inay gaadhi karayso illaa 500 oo qof.

Kooxaha gurmadka deg-degga ah ayaa weli wada baadigoob iyo sidii ay u heli lahaayeen dad ka badbaaday masiibadan.

Waxaana goobta mashaqadu ka dhacday soo gaadhay kumanaan qof, kuwaas oo ay qaarkood adeegsanayaan gacmahooda ama qalab yaryar oo ay ku qodayaan dhulka.

Solomon Tsoma ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in 13 qof oo ka mida qoyskiisu inay ku geeriyoodeen dhul-go’an, oo ay ku jiraan toddoba caruura oo uu adeerkiis uu dhalay, wuxuunta intaas ku daray inay heleen meydadka 12 ka mida.

Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNOCHA ayaa sheegtay in tirada dhimashadu ay kor u sii socoto ayna gaadhi karto illaa 500 oo qof.

Khasaaraha xooggiisa ayaa dhacay Isniintii, kadib marki dad gurmad ahaan ugu yimid badbaadinta dhibanayaashi ku waxyeelloobay dhul go’i koowaad uu ku dul habsaday dhul go labaad.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa sheegay in uu aad uga xumaaday khasaaraha ba’an ee soo gaaray dadka, isaga oo intaasi raaciyay in ay goobta u direen saraakiil heer federal ah, si loo yareeyo saameynta masiibada.


Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in Xogta