Connect with us

Xogta

Degmo qarka u saaran inay qabsato Al-Shabaab kadib hub la’aan soo wajahday


Xudur (Adduun) – Degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa waxaa soo wajahday cabsi xaga amniga ah, xilli ay kooxda Al-Shabaab qarka u saaran yihiin inay la wareegaan gacan ku haynta degmada.

Sida uu sheegay guddoomiyaha Bakool waxay degmada iyo guud ahaan gobolka wajahayaa hub la’aan baahsan, midaasi oo sare u qaadeysa walaaca khatarta amni ee wajaheyso degmadaasi, oo horey u go’doomisay kooxda.

Sidoo kale wuxuu sheegay in kooxda ay fursad siinayaan dagaal beeleed ka taagan Bakool, halkii ay aheyd in argagixisada la isugu geeyo xoog iyo xoolaba, taasina ay kooxda u sahleyso inay si fudud ku qabsato degmada.

“Waxaan wajahaynaa khatar weyn oo ah in Al-shabaab ay la wareegaan, waxaa nagu hareereysan Al-shabaab, mana haysanno hub aan kula dagaalanno, khatar weyn ayaan ugu jirnaa in ay na dilaan maleeshiyaadka iyo maleeshiyo beeleedka” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tall.

Sidoo kale wuxuu dowladda federaalka ku dhaliilay inay ka gaabisay adkaynta amniga gobolka Bakool oo ay go’doomiyeen Shabaab, “dowladda waxba kama qaban sidii shacabka looga badbaadin lahaa dilalka joogtada ah ee dhacaya.”

Kooxda oo sanadkii hore lagu qaaday guluf culus ayaa lumisay magaalooyin istiraatiiji ah oo ku yaalla bartamah Soomaaliya, inkasta oo billooyinkii dambe uu si weyn hoos ugu dhaceen howl-gallada, midaasi oo fursad soo kabasho iyo isu-abaabul siisay kooxda.

Dowladda federaalka oo hadda wada dadaallo dhiig cusub loogu shubayo dagaalka Al-Shabaab, ayaa madaxweynaha wuxuu abaabul u tagey furinta, welina ma cadda xilliga uu bilaaban doono wejiga labaad ee howl-galka oo muhiim u ah xoreynta deegaanada ay kooxda ku xoogan tahay ee ku yaalla maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.


Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in Xogta