Connect with us

Xogta

Xasan Sheekh oo maanta ku laabtay furimaha dagaalka + Qorshaha socda


Muqdisho (Adduun) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray deegaanka Waragaadhi ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xasan ayaa furinta dagaalka u tegay dardar-galinta howl-gallada dib u xoreynta dalka, isaggoo halkaasi ugu safray diyaarad ay leeyihiin ciidamada xoogga dalka, taas oo dhawaan lagu soo bandhigay dabaal-deggii xuska 1-da Luulyo.

Madaxweynaha ayaa saraakiisha hoggaamisa ciidamada xoogga dalka ee deegaanka ku sugan ka dhegeystay warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray argagixisada.

Saraakiisha ayaa sidoo kale madaxweynaha la wadaagtay warbixinta ciidamada ay hoggaamiyaan iyo qorshaha waqtiga kooban ee kooxda Al-Shabaab looga xoreynayo deegaanada haray.

Qorshaha ayaa qeyb ka ah bilaabashada wejiga labaad oo dhowr jeer uu dib u dhac ku yimid, kaasi oo kooxda siisay nafis ay dib isugu soo abaabuli karaan, ayaga oo weeraro rogaal celin ku qaaday deegaano horey looga qabsaday.

Wejiga koowaad ee dagaalka ayaa markii uu bilowday laga gaaray guullo wax ku ool ah, ayada oo ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan ay dagaal adag la galeen kooxda, iyaga oo ka xoreeyay deegaan iyo degmooyin muhiim ah.

Wejiga xiga ee dagaalka ayaa la filayaa inuu si rasmi ah looga sifeeyo deegaanada ay weli kooxda kaga harsan tahay maamulka HirShabelle iyo Galmudug, ayada oo loo gudbi doono maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo kooxda ku xoogan tahay.





Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in Xogta