Connect with us

Xogta

Qatar, Imaaraadka, Sacuudiga iyo dalal kale oo dhambaal usoo direy Somalia – Maxaa ku qoran?


Muqdisho (Adduun) – Dowladdaha Qatar, Imaaraadka Carabta, Sacuudi Carabiya, Kuwait, Yemen iyo Cummaan ayaa dhambaal hambalyo ah soo gaarsiiyay shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa u dabaal-degaysa xuska munaasabadda 1-da Luulyo oo ku beegan sannad-guuradii 64-aad ee kasoo wareegtay markii gobollada Koonfureed ee dalka ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga, sidoo kalena ay la midoobeen gobollada Waqooyi.

Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa hambalyo ku aadan sanad-guurada xorriyadda dalka usoo diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo u rajeeyay dadka Soomaaliyeed nabad iyo barwaaqo.

Sidoo kale, dhambaal kasoo baxay Boqortooyada Bahrain ayaa lagu sheegay in Boqor Xamad Bin Ciisa Al Khaliifa uu la wadaagay madaxweyne Xasan hambalyada munaasabadda 1-da Luulyo ee xornimada gobollada Koonfreed iyo midnimada labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.

Boqorka ayaa sidoo kale wuxuu u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed nabad, barwaaqo iyo xasillooni.

Suldaanka Cummaan, Haitham bin Tariq oo isna kamid ah madaxda carbeed ee maalmaha xoriyadda la qaybsanaya madaxda iyo shacabka Somaaliyeed ayaa dhambaal hambalyo ah usoo diray.

Sidoo kale, madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed bin Zayed iyo labadiisa ku-xigeen ee Maxamed bin Raashid iyo Sheekh Mansuur bin Zayed ayaa ugu hambalyeeyay umadda Soomaaliya munaasabadda kowada Luulyo iyo sannad guuradii 64-aad ee kasoo wareegtay markii Soomaalidu yeelatay dowlad madax-banaan.

Bayaan kasoo baxay dowladda Yemen oo lagu faafiyay wakaaladda wararka dalkaas ayaa isna waxaa lagu yiri; “ Madaxa Golaha Sare isagoo ku hadlaya magaciisa, kan xubnaha golaha, xukuumadda iyo shacbiga Yemen, waxa uu hambalyo kal iyo laab ah u diraya madaxweyne Xasan, wuxuuna u rajeynaya shacabka Soomaaliya amni, xasilooni iyo barwaaqo.”

Amiirka dalka Kuwait, Sheekh Mishcal Al-Axmed ayaa sidoo kale usoo diray madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed fariin hambalyo ah, oo ku aaddan munaasabadda kowada Luulyo.

War-saxaafadeed kasoo baxay Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa isna waxaa lagu sheegay in Boqor Salmaan bin Cabdicasiis iyo Dhaxal-sugaha dalkaas Maxamed bin Salmaan ay dhambaal hambalyo ah usoo direen madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyeed, kaasi oo lagu muujiiyay in hoggaanka Boqortooyada Sacuudiga ay la qaybsanayaan dadka Soomaaliyeed munaasabadda iyo dabaal-degga maalinta kowda Luulyo.


Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in Xogta