Connect with us

Xogta

64 sano kadib halkee joogtaa Soomaaliya?


Muqdisho (Adduun) – 64 sano kadib waxay maanta ku beegan tahay markii ay xornimada qaateen Gobollada Koonfureed iyo midowga labadii gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, waana maalmo ku wayn Ummadda Soomaaliyeed.

Dabaal-degyo iyo fantasiyo lagu xusayo maalintan qaran ayaa maanta ka socda gudaha dalka, taas oo ay ka qayb qaadanayaan madaxda iyo shacabka Soomaaliya.

Haddaba 64 sano kadib, halkee ayay joogtaa Soomaaliya?

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad lagu xusayay Kowda Luulyo oo lagu qabtay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in 64 sano kadib aysan weli xor ahayn Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Laftagareen ayaa sheegay in weli Soomaaliya uu haysto cadow lamid ah gumeystihii xornimada laga qaatay 1960-kii.

“Annaga waxa xornimo ah oo aan qabno maleh maanta Soomaali 64 sano kadib waxaa na haysto cadow kii lamid ah gobonimada laga qaatay oo u baahan inaan gobinimo ka qaadano” ayuu yiri madaxweyne Laftagareen oo xalay khudbad ka jeediyay Baydhaba.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Soomaali ay la timaado midnimo iyo wadajir, si ay usoo ceshato sharafkeeda iyo xornimadeeda, si looga maarmo shisheeyaha jooga dalka.

Sidaas darteed waxaa nala gudboon maanta oo ay tahay feestadii Kowda Luulyo inaan hiigsi sameyno haddii aan nahay dadka Soomaaliyeed, hiigsigaas oo ah inaan ka shaqeyno midnimada iyo wadajirka Soomaaliya” ayuu mar kale yri madaxweyne Laftagareen.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in dalalka dariska iyo kuwa Afrika uu soo maray gumeysi, laakiin kadib ay faa’iideysteen dowlado sal adag, nidaam iyo sharci.

“Markii xornimada la helay waa laga faa’iday dadka kale iyo dowladaha kale ee gumeysiga uu haystay oo Afrika ahaa xornimada waa ka faa’ideysteen oo waxay sameysteen nidaam iyo sharciyad iyo isku xirnaan iyo dowladnimo ay heshiis ku yihiin” ayuu sii raaciyay.


Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in Xogta