Connect with us

Xogta

Ciidanka xoogga oo ATMIS kala wareegay saldhig istiraatiji oo ku yaalla…


Kismaayo (Adduun) – Taliska ciidamada howlgalka ATMIS ayaa maanta saldhig kale oo muhiim ah ku wareejiyay ciidamada Xoogga dalka, kaas oo ku yaalla deegaanka Cabdalle Biroole oo hoostaga magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Wareejinta saldhiggan ayaa waxaa goob joog ka ahaa taliyaha qeybta 2-aad ee ATMIS, Sar. Seif Saalim Rashiid, mas’uuliyiinta deegaanka Cabdalle Biroole, taliyaha la wareegay hoggaanka saldhigga Cabdalle Biroolle, Gaashaanle sare Maxamed Xasan Gaboobe iyo saraakiil kale oo ka tirsan ATMIS, UNSOS iyo Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika, Sivuyile Bam oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ATMIS ay ka go’an tahay taageerida qorshaha kalaguurka ee Soomaaliya, si loo soo celiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Dhankiisa sarkaal ka tirsan xafiiska qorshaynta kala guurka ee UNSOS oo lagu magacaabo Santosh Koka, ayaa sheegay in UNSOS ay sii wadi doonto bixinta taageerada saadka si loo xaqiijiyo in uu kala-guurku guuleysto.

“UNSOS waxay CXDS ugu deeqdey Matoorada korontada dhaliya, biyo nadiifiyeyaal, taangiyada biyaha, ceel riig ah, iyo looxyada wax lagu xakameeyo” ayuu yiri Koka.

Waa xaruntii afaraad ee ay la wareegaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, inta uu billowdey wajiga seddexaad ee dhimista Ciidamada ATMIS ee Midowga Afrika.

ATMIS ayaa horay u wareejisay dhowr saldhig oo ku kala yaalla HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaana haatan ka howlgala ciidamada Xoogga dalka.

 


Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in Xogta