Connect with us

Xogta

Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo dib uga qarxay gobolka MUDUG


Gaalkacyo (Adduun) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka uu dib uga qarxay dagaal u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed, kaas oo hadda ka socda galbeedka gobolkaasi.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa ka qarxay deegaanka lagu magacaabo Maygaagta, waxaana uu u dhexeeyaa laba beelood oo isku haysta dhul daaqsimeed ku yaalla halkaasi.

Labada dhinac oo horay ugu dagaalamay aaggan ayaa mar kale saaka is-farasaaray, kadib gurmadyo ay heleen, waxaana dagaalka la’isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in xaaladda ay faraha ka baxday, isla markaana uu jiro khasaare balse aysan cadeyn karin maadaama uu weli socdo dagaalka.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamullada Galmudug iyo Puntland oo ku aadan dagaalkaasi oo u dhexeeyo laba beelood oo kasoo kala jeeda maamulladaasi.

Gobollada dhexe waxaa ka socda dagaal beeleedyo kala duwan, kuwaas oo gaystay khasaare aad u xoogan, kuwaas oo ka qarxay meelo kala duwan oo kamid ah gobolladaasi.

Si kastaba, dagaalladan ayaa kusoo aaday, ayada oo weli howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdaan Galgaduud iyo Mudug, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda.


Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in Xogta