Connect with us

Xogta

Caynte oo war culus ka soo saaray fasiraada laga bixiyey hadalkii madaxweyne Xasan


Muqdisho (Adduun) – Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte ayaa difaacay hadalkii uu shalay Madaxweyne Xasan Sheekh ka sheegay shirkii ka dhacay Xalane, kaas oo khudbad uu ka jeediyey, shirweynahaas ayaa laga hadlayey muhiimada ay Soomaaliya ay u leedahay bulshada Bariga Afrika.

Caynte, oo ah guddoomiyaha guddiga difaaca qaranka, ayaa sheegay in hadalka Madaxweynaha laga been sheegay oo sida uu u yiri aan loo qaaday, kadib markii dadka qaar ay soo jarteen qeyb aan ka tarjumeyn micnaha iyo ujeedka hadalkiisii.

Madaxweynaha ayaa yiri, “Itoobiya waa imaa kartaa badda Soomaaliya, laakiin waxaan isku heynaa sidey ku imaanee, waa inay ku timaado sida ay ku tagtay xeebta Jabuuti iyo nidaamka ay dalalka kale ee Afrika ee dekedaha aan laheyn ay ku tagaan dekedaha dalalka kale ee caalamka.”

Dadka mucaarada madaxweyne Xasan Sheekh ayaa durba jartay qeybta hore ee madaxweynuhu uu ku yiri “Itoobiya waa imaa kartaa badda Soomaaliya” balse waxay iska reebeen fasiraadii uu madaxweynuhu ka bixiyey hadalkaas.

“Madaxweynaha hadalkiisu waa cadaa oo mugdi kuma jirin, qofkii meesha joogay ama wada dhageysta hadalkiisa wuxuu dareemi karaa mowqifkiisa in uusan is bedelin, hadii kilip laga soo jaro oo laga soo tegay biyadhicii hadalka Madaxweynaha, kama dhigna in mowqifkii madaxweynaha uu is bedelay,” ayuu yiri wasiir hore Cabdiraxmaan Caynte.

Caynte ayaa hoosta ka xariiqay in go’aankii Soomaaliya ay ka joogtay damaca Itoobiya ee badda uusan waxaba iska bedelin, isagoo dadka ugu baaqay inay xaqiiqada ka soo ogaadaan hadalkii madaxweynaha oo la helayo isagoo dhameystiran.


Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in Xogta